Fahad Yaasiin oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

Agaasimihii hore ee Hay’adda NISA kana mid ah eedeysaneyaasha loo heysto dilkii Ikraan Tahliil Fahad Yaasiin ayaa saaka dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib markii diyaarad khaas ah ay kasoo qaaday dalka Turkiga.

17-kii Bishaan diyaarad uu la socday Fahad Yaasiin ayaa laga celiyay dalka Jabuuti, iyada oo tallaabadaas Madaxtooyada Soomaaliya ay ku eedeysay inay ka dambeeyso dowladda Jabuuti, halka dowladda Jabuuti Warkaasi ay beenisay.

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa dhawaan xilkiisii ahaa Agaasimaha Hay’adda NISA ku waayay kiiska maqnaanshaha Ikraan Tahliil, waxaana taasi ay sababtay in khilaaf xoogan oo aan weli xal loo helin uu ka dhex billaawdo Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading