Fahad Yaasiin oo laga gudbiyay dacwad la xariirta weerar ay fuliyeen Ciidanka Haramcad (Akhriso)

Warbaahinta Mustaqbal Media ayaa Xafiiska xeer ilaalinta Qaranka Soomaaliyeed u gudbisay dacwad ka dhan ah Agaasimaha Hay’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji iyo Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada Villa Somalia Cabdinuur Maxamed Axmed.

Mustaqbal Media ayaa Labada Nin ku eedeysay inay lahaayeen Amarka Weerarkii 27-April-2021, lagu qaaday xarunta Idaacadda Mustaqbal kaas oo ay fuliyeen Ciidanka Haramcad, waxaana ay sheegtay inay heyso cadeymo muujinaya lahaanshaha Amar ee Labada xubnood.

Xafiiska Xeer ilaalinta ayay ka dalbatay in baaris qoto dheer lagu sameeyo cabashadooda, una gudbiyo Maxkamadda awooda u leh si talaabo sharci ah looga qaado Ragan.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading