Fariin ku socota Madaxweyne Deni.WQ.Jibril Qoobey

Fariintayda Madaxweyne Deni?

Xaalada aad hada ku jirto,waxaa,iyadoo kale soo maray Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf rabbi ha’unaxariisto janadiina haka waraabiyo.

Cabdullaahi la mid ma timid oo waxuu lahaa astaamo kuwaaga ka fiican,sida….

1.Geesi.
2.Deeqsi.
3.Aftahan
4.Haybad
5.Dad wadasho.
6.Aragti.
7.Hal adayg
8.Han

Laba,ayaad iskaga dhow dihiin hal adayga iyo Hanka.

Marka MW Deni adoon lahayn 6 Astaamood oo Cabdullaahi lahaa oo usahlay in uu jiiro xaaladii uu wajahay xiligaas,ayay saakay ku haysataa in aad Adiguna jiirto tiiyoo kale.

Waa Maxamuud Shido oo markale Qandaraas kasoo qaatay Xamar,rabana in uu PL ka dhigto Maamul uu Mashaariicda iyo Canshuurta Dadka ku leexsado.

Nina kaama badiyo oo 2001-dii, adaa la socday,isla markaana 2019,isagaa Madaxweyne kaa dhigay.

Lkn fursad uusan helin Cabdullaahi,ayaad haysataa,taasoo ah….

B.Dadkii reer PL 90% adoon kasban,ka shaqayn,ayay kugu garab taagan yihiin oo u arkaan shaqada aad hayso mid masiiriya,kaana Shinsanayaan Dowladnimo.

Sidoo kale Bulshada PL,waxay kugu wadataa Dabeecado aan hogaamiye lagula socon karin…

B.Qalafsanaan xad dhaaf ah.
T.Xir xir naan xad dhaaf ah.
J.Isla weyni iyo ixtiraam yari.
X.Danaysi iyo Abaal la’aan.

Mucaaradka wax kugu haysta,waa ka jilicsan yihiin kuwii Cabdullaahi wax ku haystay oo Dadku ma rabaan kamana dhex arkaan mustaqbalkooda.

Diyaaradaas PL ee aad Pilot-ka tahay ha qalibin,hadaadan ka adkaan karin Labada Nin ee wax kugu haysta,waa Maxamuud Shido iyo Xasan Shire ee tanaasul.

Hadaad berri dabcayso,iyadoo Dhimasho iyo foolxumo timid oo Dowladnimada bahdilayso hadeer Kubada Dhulka dhig.

Waxa loolamaya waa Dowladnimada PL iyo Gaangiistaro ku gabanaya magaca Beelaysiga,markay halkaas maraysana,waxaa loo hiilinayaa Dowladnimada.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading