Fariin muhiim ah oo ku socota Shacabka halganka ku jira ee Laascaanood

Berri waxaa magaalada Laascaanood Kusoo wajahan Masuuliyiin ka socota Beesha caalamka kuwaasi oo u kuurgalaya shacabka Gobolka sool halka ay Taageersanyihiin.

Hadaba sida aan Wararka hoose ku helayno Wax ay sheegayaan in caawa maqribkii magaalada Burco laga sooraray 4-Bas oo kuwa salaama Bus ah kuwaasi oo wada shacab tiro badan oo Ladoonayo in laga dhigo Shacabkii reer Sool oo taageersan Somaliland.

Kadib markii ay dadka Gobolka ugu magacaaban Somaliland Ay kasbaneaayren Shacabka.

Arinkani ayaa ku soo beegmaya xilli maanta gelinkii hore uu ka dhacay Magaalada Laascaanood Mudaaharaad lagu taageersan yahay Dawladda Puntland.

Hadaba waxaa laga codsanayaa Shacabka Gobolka Sool Inay berrito soo kacaan aroortii oo ay Diyaar u ahaadaan Su’aalaha saraakiisha cadaanka ah.

Hadii ay yimaadaan shacab laga keenay Burco iyo Hargeysa Waxaan ku wargelinaynaa shacabka Gobolka Sool in ay Ka mudaharaadaan Arinkaasi oo dhagax kaga saaraan laascaanood maadaama aysan ahayn dadkii udhashay laascaanood.

Dhanka kale Saraakiisha Booliska maamulka Jeegaanta,ayaa ilaa maanta waxa ay Boolis fara badan soo dhoobeen Gudaha magaalada laascaanood kuwaasi oo wata gaadiid Cusub oo loogu talagalay in Lagu cabudhiyo shacabka reer sool ee Geesiyaasha ah.

Sidookale waxaa saaka ilaa maanta ka socday magaalada laascaanood raaf ay ciidamada somaliland Kasamaynayeen Xaafadaha laascaanood qaarkamida Yaga oo xidhxidhay Shacabkii Saaka Dareenkooda kimuujiyay inay Taageersanyihiin Puntland.

Waxaa iyana dhankooda xidhan qaarkamida weriyayaasha Magaalada laascaanood Halka Qaar kalena ay ilaa maanta Karaadinayaan Gudaha Magaalada Laascaanood.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading