“Caabuqa ‘Coronavirus’ waa khatar dunida ku soo siyaaday sidaas awgeed Dawladda Puntland waxay qaaday talaabooyin looga hortagaayo faafidda caabuqaan inuu dalka ku faafo.
Dadka Soomaaliyeed gaar ahaan Puntland waxaan ugu baaqayaa inay qaataan talooyinka Hay’adaha Caafimaadka iyo Arimaha Gudaha ee Dawladda Puntland inta suurto gal ah.
Waan dareensanahay duruufaha dadkeena ku xeeran lakiinse waxaan ku baaqaynaa in la yareeyo; isu socodka laga maarmi karo, xafladaha iyo kulamada sida maqaaxiyaha iyo goobaha cibaadada.”,ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Jibril Qoobey.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.