FARIISINTA GOLAHA DEEGAANKA DEGMADA BAREEDA EE GOBOLKA RAASI-CASAYR.

Bareeda, September 12, 2023: Wasiiru-dowlahaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Maxamed Axmed Kulan ayaa daahfuray Doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Kuxigeenka Degmada Bareeda ee Gobolka Raasi-Casayr.

Madasha xasaanadsiinta Golaha Deegaanka Degmada Bareeda ee Gobolka Raasi-Casayr waxaa ka soo qaybgalay Guddoomiyaha Gobolka Raasi-Casayr, Taliyaha qeybta Booliiska Gobolka Raasi-Casayr, hawlwadeenada Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Wasaaradda Haweenka Dowladda Puntland.

Waa tillaabo horey loogu qaaday dhammeystirka hannaanka doorashadii hal cod iyo hal qof ee qabsoontay 25kii May 2023 kana dhacday 30 Degmo oo ka mid ah Degmooyinka Puntland.

Wasiiru-dowlahaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Maxamed Axmed Kulan ayaa u hambalyeeyey dhammaan xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Bareeda ee la doortay.

Wasaarradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland waxay u mahadcelinayaa cidkasta oo ka qayb qaadatay qabsoomidda doorashooyinka hal cod iyo hal Qof, sida ururada Siyaasada, Guddigii kumeel gaarka ahaa ee doorashooyinka Puntland (TPEC), daneeyayaasha arrimaha doorashooyinka, bahda Warbaahinta, ciidamada amniga, ururada bulshada iyo guud ahaan shacabka reer Puntland.

Dhammaad

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading