FARIISINTA GOLAHA DEEGAANKA DEGMADA BAYLA EE GOBOLKA KARKAAR.

Bayla, September 17, 2023: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Mohamed AIi Farah Farmayeri ayaa daahfuray Doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Kuxigeenka Degmada Bayla ee Gobolka Karkaar.

Madasha xasaanadsiinta Golaha Deegaanka Degmada Bayla ee Gobolka Karkaar waxaa ka soo qaybgalay Guddoomiyaha Gobolka Karkaar Mudane Cabdi Siciid Cismaan, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Karkaar G/se Xuseen Cali Maxamuud, Nabaddoono, Haween, Dhalinyaro, Waxgarad Degmada Bayla ee Gobolka Karkaar iyo hawlwadeenada Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Wasaaradda Haweenka Dowladda Puntland.

Waa tillaabo horey loogu qaaday dhammeystirka hannaanka doorashadii hal cod iyo hal qof ee qabsoontay 25-kii May 2023 kana dhacday 30 Degmo oo ka mid ah Degmooyinka Puntland.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Maxamed Cali Faarax Farmayeeri ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku xigeenka Degmada Bayla ee Gobolka Karkaar ee ku yimi habka is bahaysiga Xisbiyada Siyaasadda Puntland sida uu qabo qodobka 29aad farqaddiisa 2aad.

Sidoo kale, Agaasimaha,ayaa u hambalyeeyey dhammaan xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Bayla ee la doortay, kuwaas oo maanta yeeshay Guddoomiye iyo Guddoomiye ku xigeenka hogaamin doona 5-ta sano ee soosocota.

Wasaarradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland waxay u mahadcelinayaa cidkasta oo ka qayb qaadatay qabsoomidda doorashooyinka hal cod iyo hal Qof, sida ururada Siyaasada, Guddigii kumeel gaarka ahaa ee doorashooyinka Puntland (TPEC), daneeyayaasha arrimaha doorashooyinka, bahda Warbaahinta, ciidamada amniga, ururada bulshada iyo guud ahaan shacabka reer Puntland.

Dhammaad

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading