FARIISINTA GOLAHA DEEGAANKA DEGMADA BUURTINLE EE GOBOLKA NUGAAL.

Buurtinle, October 23, 2023: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Abdi Farah Juxa ayaa dhisay Golaha Deegaanka Degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal.

Madasha xasaanadsiinta Golaha Deegaanka Degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal waxaa ka soo qaybgalay, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal G/S Maxamed Cali Marduuf, Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Nugaal, Xildhibaan Cabdiqani Faarax Dhaashane, La taliyaha Madaxweynaha Cabdirisaaq Mire Xasan (Gaawiido), iskuduwaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Gobolka Mudug Cabdifaax Samatar Ciise, Agaasimaha Waaxda Dowladdaha Hoose ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL, Masuuliyiin iyo waxgaradka, cuqaasha iyo qaybaha kala duwan ee Degmada Bu ee Gobolka Nugaal.

Waa tillaabo horey loogu qaaday dhammeystirka hannaanka doorashadii hal cod iyo hal qof ee qabsoontay 25-kii May 2023 kana dhacday 30 Degmo oo ka mid ah Degmooyinka Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku xigeenka Degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal ee ku yimi habka is bahaysiga Xisbiyada Siyaasadda Puntland sida uu qabo qodobka 29aad farqaddiisa 2aad.

Sidoo lale, Wasiirka ayaa u hambalyeeyey dhammaan xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Buurtinle ee la doortay, kuwaas oo maanta yeeshay Guddoomiye iyo Guddoomiye ku xigeenka, Guddoomiyaha Degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal waxaa ku guulaystay Mudane Axmed Cabdirisaaq Cali (Dheereeye), oo ka soo baxay Xisbiga Sincad. sidoo kale, Guddoomiye ku-xigeenka waxaa ku guulaystay Cabdidaahir Jaamac Maxamed oo ka soo baxay Xisbiga Kaah.

Wasaarradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland waxay u mahadcelinayaa cidkasta oo ka qayb qaadatay qabsoomidda doorashooyinka hal cod iyo hal Qof, sida ururada Siyaasada, Guddigii kumeel gaarka ahaa ee doorashooyinka Puntland (TPEC), daneeyayaasha arrimaha doorashooyinka, bahda Warbaahinta, ciidamada amniga, ururada bulshada iyo guud ahaan shacabka reer Puntland.

Dhammaad

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading