Farmaajo, Deni iyo Madoobe oo shir albaabadu u xiran yihiin u socdo

Kulan albaabadu u xiran yihiin oo u dhexeeya Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni iyo Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa ka socda Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Kulanka oo ka socda Madaxtooyadda Galmudug ayaa looga hadlayaa sidii ay isugu soo dhowaan lahaayeen Dhinacyada oo ah kuwo aad ugu kala durugsan arrimaha Siyaasadda, kahor inta uusan furmin Shirka Madaxda DFS iyo Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah DFS, oo ah mid looga hadlayo Arrimaha Doorashooyinka Dalka ee 2020 – 2021.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading