Farmaajo iyo Khayre oo isku khilaafsan cida ku matalaysa Dowlada shirka Garowe

Iyadoo la filayo in uu shirka muhiimka ah ee Garowe uu furmo maalinka Jimcaha,ayaa waxaa soo baxaya xogo tilmaamaya in uu jiro khilaaf dhexyaal Madaxweyne Farmaajo iyo ra’isalwasaare Khayre.

Xogaha sheegaya khilaafka Farmaajo iyo Khayre in uu jiro,ayaa sii xoogoobaya,waxaana ugu danbeeyay muran ku dhexmaray ka qaybgalka shirka Garowe.

Farmaajo waxuu usheegay Madaxda Puntland ee shirka martigalinaysa in uu kaligii imaanyo shirka oo uusan Khayre soo baxayn,”ayuu yiri mid ka mid ah masuuliyiinta Madaxtooyada Puntland.

Balse Khayre oo saacad kadib lasoo xiriiray madaxda Puntland,ayaa yiri….

”Waa imaanayaa mana ka maqnaanayo meel laygu xamanayo,Farmaajo danbi aanan lahayn dusha iga saari mahayo”,

Puntland oo martigalinaysa shirkan,ayaa casuumad udirtay Farmaajo iyo Khayre.

Isku soo wada duuboo waxaa isa soo taraya xogaha xaqiijinaya khilaafka dhexyaal farmaajo iyo Khayre.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading