Farmaajo iyo Laftagareen oo isku fahmi waayay kulankoodii!!

Laftagareen way isku fahmi waayeen Farmaajo kulankii dhexmaray.

Farmaajo waxuu usoo jeediyay Laftagareen in uu qabto doorashadii xubnaha Aqalka sare.

Balse Laftagareen waa ka cudurdaartay waxuuna usheegay in beesha caalamka iyo Somaliduba aad uga soo horjeedaan bilaabida doorasho aan loo dhamayn.

Laftagareen waxuu dhankiisa soo gaarsiiyay Farmaajo fariintii kulanka Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka,taasoo uusan soo dhaweyn uga helin Farmaajo.

Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka kulankoodii Zoom-ka,ayaa Laftagareen loogu wakiishay la kulanka Farmaajo.

Madaxweynaha Koonfurgalbeed,ayaa shalay Galab Muqdishu soo gaaray isla maantana waxuu usocdaalay Turkiga oo uu ku maqnaan doono Todobaad.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading