FARMAAJO OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA SHIIKH SHARIIF SHIIKH MUXYADIIN CELI

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA SHEEKH SHARIIF SHEEKH MUXYADIIN CELI

Muqdisho, Maarso 22, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee Sheekh Shariif Sheekh Muxyadiin Celi, oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo tilmaamay in Sheekh Shariif Sheekh Muxyadiin ahaa caalim diineed iyo aqoonyahan sare oo ka mid ahaa macallimiintii Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, ayaa xusay doorkii wanaagsanaa ee uu ka soo qaatay arrimaha dacwada Islaamka, waxbaridda ubadka, faafinta diinta, baraarujinta iyo wacyigelinta shacabka Soomaaliyeed.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan u tacsiyeynayaa qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Sheekh Shariif Sheekh Muxyadiin Celi. Marxuumku waxa uu ka mid ahaa tiirarka Culimada Soomaaliyeed ee wakhtigooda iyo noloshoodaba u hibeeyey faafinta diinta, baraarujinta iyo wacyigelinta shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan qoyska, qaraabada iyo ummadda Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

E-mail: media@presidency.gov.so
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter: @TheVillaSomalia
Telegram: https://t.me/TheVillaSomalia


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading