Farmaajo oo waraaqaha Aqoonsiga Safiirnimo ka guddoomay Labo Danjire (VIDEO)

Madaxweynaha muddo-xileedkiisa dhamaaday ee DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa Waraaqaha Aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada dalalka, Tansaaniya Mudane Dr. John S. Simbachawene iyo Angoola Mudane Sianga Kivuila Samuel Abilio.

Labada Danjire ayaa Madaxweyne Farmaajo la wadaagay salaan ay uga sideen Madaxda dalalka Tanzania iyo Angoola, isagoona u rajeeyay inay ku guulaystaan gudashada waajibaadka loo igmaday iyo doorka uu ka qaadan karo xoojinta xiriirka walaaltinnimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo dalalkooda.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading