Farmaajo todobaad kadib Garowe natiijo la”aan kala dhoofay

Madaxweynaha Dowladda Fadaraalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ka dhoofay magaalada Garowe, kaddib markii uu guul-darraystay shirkii wada-tashiga dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Madaxweyne Farmaajo oo muddo toddobaad ah ku sugnaa Garoowe waxaa sagootiyay madaxweynaha Puntland Siciid Deni , madaxweyne ku-xigeenka Axmed Karaash iyo mas’uuliyiin ka tirsan Puntland.

Garowe shalay waxaa ka dhoofay ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo Madaxweynayaasha Galmudug iyo Jubbaland, iyadoo aysan jirin wax natiijo ah oo laga gaaray wad-hadallo ku dhawaad toddobaad qaatay ee ka socday Garowe,.

Madaxweynayaasha Jubaland iyo Galmudug,ayaa eeda faashilka shirka dusha ka saaray Madaxweyne Farmaajo iyo Ra”isalwasaare Khayre.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading