FARMAJA YIRI GURI WEYN OO QASRI AH HA LA II DHISO. WAA FIRCOON OO YIRI TAALO DHEER HA LA II DHISO.

FARMAJA YIRI GURI WEYN OO QASRI AH HA LA II DHISO. WAA FIRCOON OO YIRI TAALO DHEER HA LA II DHISO.

Fircoonkii (Masar) ayaa amar ku siiyey wasiirkiisii maaliyadda, Haamaan inuu u dhiso taalo aad iyo aad uga sareysa daruuraha si uu ula kulmo illaaha uu Muuse sheegayo. Islamarkiiba Wasiir haamaan ayaa bilaabay hirgelinta dhismaha taalada ee Fircoon amray in loo dhiso. Waxaa la soo shireyey dhammaan dadkii reer Masar ee uu Fircoon adoonsiga ku haystay, (xoogaga wadaniyiinta) waxaana lagu wargeliyey inuu Fircoon doonayo in loo dhiso guri ama taalo dheer oo aan dunida horey loogu arag.

Islamarkiiba xoogaga wadaniyiinta waxay taageen taalo aad iyo aad u dheer oo aan horey aduunka looga dhisin. Durbadiiba Fircoon ayaa taaladii fuulay oo dusha sare uga baxay, fallaar ayuu dhinaca cirka u ganay, fallaartii oo dhiig qoyan ku yaal ayaa dib usoo noqotay oo dhulka ku soo dhacday. Markaasuu Fircoon yiri Illaahii Muuse ayaan soo dilay. Islamarkiiba Malakul Jebriil ayaa baalkiisa ku dhuftay taaladii Fircoon loo dhisay, waxayna ku dulhabsatay xoogagii wadaniyiinta oo dhammaantood ay halkaas ku basbeeleen.

Haddaba, Farmaajo oo dadku u yaqaan Fircoonka Somaliya ayaa doonaya inuu ku daydo Fircoonkii Masar isagoo Wasiirkiisii Maaliyadda Beyle (aka Haamaan) iyo xoogaga wadaniyiinta ku amray in loo dhiso guri (taalo) qasri ah oo aan horey Africa looga dhisin. Waxaa hubaal ah in taalada loo dhisayo Farmaajo iyo xoogagiisa wadaniyiinta ay mari doonaan halkii ay mareen taaladii Fircoon iyo kuwii ka qayb qaatay dhismaheeda.

WQ: Danjire Dahsoon


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading