Faysal Cali Waraabe oo madaxda dowladda Somaliya ku eedeeyay inaysan daacad ka aheyn wada hadalka Somaliland

Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland Faysal Cali Waraabe, ayaa ku eedeeyay madaxda dowladda Federalka Somaliya inaysan daacad ka aheyn wada hadalka Somaliland.

Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay madaxda hada joogta ee dowladda Federalka Somaliya inuusan daacad ka aheyn wada hadalka Somaliland, marka loo eego hab dhaqankooda.

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay dowladii Maxamed Siyaad Barre dhibaato badan inay u gaysatay shacabka Somaliland, balse si arrimahaasi looga wada hadlo madaxda hadda joogta aysan u bisleyn arrintaasi.

“Anaga haddii aan reer Somaliland nahay, dagaal baan la galnay dowladii ugu dambeysay ee Maxamed Siyaad Barre ilaahey guusha anaga ayuu na siiyay, illaa maanta dowlad Somaliyed oo jirta malahan Somaliya waa ay kala daadsan tahay, Shan Madaxweyne ayaa jira oo Maamul Goboledyo, iyadoo caynkaasi tahay ayaan la hadli jirnay dowladihii hore xadkeena nabad ayuu ahaan jiray, qoladan meesha joogto ayeeysan daacad ka aheyn wada hadalka.” Ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Hadalka Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland, ayaa ku soo aadaya iyadoo madaxda dowladda Federalka Somaliya dhawr mar ay ku baaqeen inay ahmiyad siinayaan wada hadalka Somaliland.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading