Furitaanka Kalafadhiga 6-aad ee Baarlamaanka oo u xayiran Madaxweyne Farmaajo

Dib u dhac ayaa ku yimid furitaankii Kalafadhiga 6-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaas oo sida qorshuhu ahaa la filayay inuu furmo 27-dii bishan September, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kaas oo ku aadan dib u dhaca ku yimid furitaanka Kalafadhiga.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ku eedeyay Xukuumadda Federaalka in ay hor-taagan tahay furitaanka kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka, iyadoo adeegsaneysa xubnaha Wasiirada ah ee katirsan Baarlamaanka.

Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris Ganey oo kamid ah mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa sheegay in Xukuumadda Ra’iisulwasaare Kheyre ay hor-taagan tahay Shaqadii Golaha Shacabka oo ay shaqooyin muhiim ah hor-yaalaan.

Xildhibaan Ganey ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Guddoonka Golaha Shacabka, ay gabeen waajibkoodii Dastuuriga ahaa, ayna u muuqdaan kuwo iloobay inay matalaan Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ay tahay sida Dastuurku qabo inuu furo kal-fadhiyada Golaha Shacabka, iyadoona haatan uu ku sugan yahay Madaxweynuhu dalka Mareykanka, islamarkaasina la sheegay in uu ka qeybgali-doono shirka Wadamada Afrika iyo Ruushka dhex-maraya, waxaan intaasi uu noqonayaa Golaha Shacabka mid sugaya furitaanka Madaxweyne Farmaajo.

Si Kastaba ha ahaatee, Xaalada Guud ee Soomaaliya ayaa haatan mareysa marxalad adag, waxaana loo aaneynayaa Burburka ku yimid Baarlamaanka –aad ee Dalka, kaas oo eersaday qorshaha Madaxda DFS ay 70% ka badan Xukuumadda uga dhigeen kuwo ka yimid Golaha Shacabka, halka tiro kale oo Xildhibaano ahna gacanta loo galiyay Mashaariic si ay uga gaabsadaan qorshayaasha Madaxda iyo Xeerarka la hor-geeyo Golaha Shacabka.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading