Fursadii ugu danbaysay Ee heshiis ay ku gaari karaan Israa’iil iyo Xamaas?

Xoghayaha arrimaha debedda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in wadahadalada haatan socdaa inay yihiin isku daygii u dambeeyey ee la doonayo in heshiis xabbad-joojin ah lagaga gaadho dagaalka ka socda marinka Qaza ee u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas, isla markaana in la sii daayo la haystayaasha kala duwan.

“Waxaan joogtaa xilli xasaasi ah – malaha waa tan ugu fiican, amaba isku daygii ugu dambeeyey, ee fursad loo helo in dib loosoo celiyo la haystayaasha, isla markaana lagu gaadho heshiis xabbadjoojineed, taas oo qof walba siinaysa fursad wanaagsan oo lagu gaadhi karo nabadgelyo iyo ammaan waara” ayuu yidhi xoghaye Blinken.

Blinken ayaa Isniintii la kulmay madaxweynaha Israel Isaac Herzog, waxaana lagu wadaa inuu la kulmo ra’iisul wasaaraha Benjamin Netanyahu iyo wasiirka difaaca Yoav Gallant gelinka dambe ee maanta.

Waa safarkii 9-aad ee uu ku tago gobolka tan iyo markii ay colaaddu billaabatay 7-dii Oktoobar ee sannadkii hore. Wada-xaajoodyo ay gadhwadeen ka ahaayeen Mareykanka, Masar iyo Qatar ayaa ka dhacay magaalada Doha ee dalka Qatar usbuucii hore si ay u soo saaraan nuqulkii ugu dambeeyay ee heshiiska, waxaana la filayaa in wada-hadallada dib looga bilaabo magaalada Qaahira dabayaaqada usbuucan.

Xigasho:-VOA


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading