Video:-Gaadiid laga soo dhacay DDS oo dib looceliayay maanta

In ka badan afar iyo toban baabuur oo iskugu jira noocyadda kala duwan ee Gaadiidka oo laga soo dhacay Itoobiya ayaa maanta lagu wareejiyey dawladda Itoobiya.

Gaadiidkan ayaa lala soo baxsaday maalmihii shaqaaqooyinku ka socdeen Jig-jiga, waxaana lala soo gallay gobolada Awdal, Togdheer, Maroodi jeex iyo Gabiley, kuwaas oo badankooda ay dawladdu qabatay,isla markaana ay gacanta ku haysay ilaa inta ay deganaysay Jigjiga.

Xaflada lagu wareejinayey Gaadiidkan la soo dhacay ee lala soo galay gudaha Somaliland waxay ka dhacday magaalo xuduudeedka Togwajaale, waxaana ka soo qaybgalay labadda wakiil ee u kala fadhiya Somaliland iyo Itoobiya.

Maalmihiii qalaalaasuhu ka dhaceen Dawlad deegaanka Soomaalidad Itoobiya ayaa nin waliba wuxuu heli karayey kala baxsaday, iyagoo la gallay xuduuda ay wadaagaan dalalka dariska ah, waxaanay u badan yihiin Gaadiid ay leeyihiin shirkadaha gaarka ah gaar ahaan kuwo Itoobiyaanka kale ee ka ganacsan jirey Jig-jiga,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading