Gaalkacyo: Ciidamada Daraawiish-ta Puntland oo saaka bilaabaya Howlgal culus.

GAALKACYO (IDIL NEWS)-Cutubyo kamid ah Ciidamada Difaaca Dowladda Puntland ee (Daraawiish-ta), ayaa saacadaha soo socda howlgallo culus ka bilaabaya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.

Ciidamada howlgalka maanta bilaabaya ayaa maalinimadii Khamiista aheyd tagay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, oo muddooyinkii ugu dambeeyay ay ka dhacayeen Falal ammaan-darro oo isigu jira Kufsi iyo Dil.

Howlgalkan ayaa lagu Magacaabay “Caa’isho Maxay Galabsatay”, waxaana hoggaaminaya Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Puntland Gen. C/shukri C/llaahi Xuseen iyo Taliye ku-xigeenka Ciidamada Booliska Puntland.

Gen. C/shukri oo warbaahinta la hadlay dhowaan ayaa uga digay Odayaasha dhaqanka iyo Waalidiinta inay soo daba-galaan Dadka lagu soo qabto howlgalada, Isagoona xusay in hadii taas ay dhacdo ay iyaga xabsiga dhigayaan.

Waxaa uu sheegay inay hayaan Liiska dadka Hormuudka u ah falalka ammaan-darro eek a dhaca Gaalkacyo, ayna sooq ab-qaban doonaan.

IDIL NEWS


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading