Gaalkacyo: Doorashada Duqa Degmada oo maanta dhaceysa

GAALKACYO (IDIL NEWS)-Xildhibaanada Golaha Degaanka ee Degmada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, ayaa maanta dooranaya Duqa Degmada Gaalkacyo iyo ku-xigeenkiisa.

Doorashada oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ku tartamaya Labo Musharax, kuwaas oo kala ah Saahid Maxamed Cali iyo Mukhtaar Axmed Cumar.

Xubanaha Golaha Degaanka oo ka kooban 31 Mudane ayaa shalay la dhaariyay, Iyagoona dooran doona maanta Guddoonkooda.

Musharixiinta Labada ah ee u taagan Duqa Degmada Gaalkacyo ayaa la filayaa in marka hore ay khudbado ku aadan Qorshayaashooda kahor jeediyaan  Golaha Degaanla, iyadoona intaas kaddib loo gudbi doono Doorashada.

Guddi isugu jira Xildhibaano iyo Wasiiro katirsan Dowladda Puntland oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa kor-joogteynaya Doorashada.

IDIL NEWS


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading