Gaalkacyo:-Madaxweyne Deni oo kulan la qaatay Talyayaasha Ciidamada Puntland

Gaalkacyo: 14 August 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la qaatay Saraakiisha Ciidamada Dowladda Puntland.

Kulanka oo ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada ee magaalada Gaalkacyo ayaa looga Hadlay Amniga guud ee Puntland, gaar ahaan Gobolka Mudug, dib-u-habeynta Ciidanka iyo xoojinta wada shaqaynta Hay’addaha Amniga iyo bulshada.

Waxaa Madaxweynaha Kulanka kala qeybgalay xubno ka mid ah Golaha Xukuumadda Iyo xildhibaano ka tirsan golaha Wakiilada Dowladda Puntland.

-Dhammaad-

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.l


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading