Gaalkacyo: Wasiirka Caafimaadka Puntland oo baaq u diray Shacabka iyo Dowladda (Daawo)

GAALKACYO (IDIL NEWS)-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan, ayaa ugu baaqay Shacabka Puntland inay u istaagaan dhameystirka Dhismaha Isbitaalka weyn ee Gobalka Mudug, kaas oo uu burbur kasoo gaaray Qaraxyadii 2016-kii ka dhacay Gaalkacyo.

Wasiirka Caafimaadka Puntland ayaa sheegay in uu meel gabo-gabo ah marayo dib u dhiska Isbitaalka weyn ee Gobalka Mudug, balse ay goday lacagtii lagu waday Shaqada, ayna taas xagal daacin karto Howlaha dib u dhiska Isbitaalka oo la rabo in lagu soo gaba-gabeeyo bisha 6 ee sanadkan.

Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in Shacabka iyo Dowladdu iska kaashadaan sidii loo heli lahaa lacagta loo baahan yahay oo dhan $250,000 kun oo Dollar, isagoona tilmaamay in Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ay ugu yaboohayso 20 kun oo dollar.

Daawo.

IDIL NEWS


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading