Gaas oo ka hor yimid in Xildhibaanada Sool laga hor istaago Doorashada

Madaxweyne Gaas,ayaa ka hor yimid 17-ka Xildhibaan ee Sool kasoo jeeda in laga hor istaago Doorasahada ka qaybgalkeeda.

Musharaxiinta,ayaa iska waraystay Xildhibaanada Sool,waxaana qaarkood soo jeediyeen in la hakiyo oo doorashada lagu galo 49-Xildhibaan.

Musharaxiinta soo jeedinta sameeyay,waxay ka duulayeen baqdin ay ka qabaan in Deni kaligii soo xusho 17-ka Xildhibaan ee Sool.

Balse Gaas,ayaa si adag udiiday oo ku dooday in ay waajib tahay ka qaybgalka Doorashada 17-ka Xildhibaan ee Sool…

1.Ilaalinta Dastuurka Puntland,ayuu ku saleeyay.

2.Hubanti la’aan ku dhacda mustaqbalka Sool,ayuu ku saleeyay.

Dhamaan Musharaxiintii kale,ayaa dooda Gaas aqbalay Kuna raacay in aan la hor istaagin ka qaybgalka Doorashada 17-ka Xildhibaan ee Sool.

Waxaa sidaa ku baaqday Shir Jaraa’id oo ay qaban lahaayeen Musharaxiintu oo ay arinkaas kaga hadli lahaayeen.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading