Gaashaan buurta Nato oo Hub door ah ku taageertay Ukrain

Madaxweyne Biden oo martigelinaya shir-madaxeedka shan iyo Toddobaatan-guuradii NATO oo Washington ka dhacaya,ayaa u sheegay hoggaamiyeyaasha ka qayb galaya in ururku uu yahay isbahaysiga difaaca ee ugu weyn uguna waxtarka badan Adduunka.

Mr Biden,ayaa shir-madaxeedka furay isagoo ku dhawaaqay in Washington iyo xulafadeedu ay Ukraine siin doonaan shan hab oo difaaca cirka ah oo ay ku jiraan baytariyada gantaalaha Patriot.

Isagoo u hadlayay si xallad leh ayuu Mr Biden ku adkaystay in Ukraine ay awood u leedahay ka jortagga Vladimir Putin.

Madaxweyne Zelensky,ayaa soo dhaweeyay deeqda laakiin wuxuu sheegay inaysan ku filnayn,wuxuuna ugu baaqay Maraykanka in aan laga tanaasulin ka hortagga gardarrada Ruushka.

Mr Zelensky,ayaa sidoo kale ku booriyay Mareykanka in aan laga daahin tagaeerada la shaaciyay in dalkiisa la siin doono.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading