Gabar kale oo Soomaali ah oo xil sare ka qabatay Mareykanka

Canab Guuleed oo ka mid ah Soomaalida daggan gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa loo magacaabay xil sare oo qeyb ka ah maamulka gobolka.


Gabadhan ayaa loo magacaabay jagada kaaliyaha wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha bulshada ee Gobolka Minnasota, inkastoo markii hore ay u xusul duubeysay in wasiir ku xigeen laga dhigo.


Wareysi gaar ah oo ay siisay BBC-da ayey Canab sharraxaad uga bixisay sida loogu magacaabay xilkan iyo waxa ay ku muteysatay.


“Anigu waxaan gabar Soomaaliyeed oo gobolkan dagganeyd muddo ku dhow 20 sano, intaas aan joogayna waxaan wax ka bartay oo aan lasoo shaqeeyay meelo badan oo ay ka mid yihiin wasaaradaha arrimaha bulshada, iminkana waxaan fursad u helay muddadii ugu dambeysay inaan la shaqeeyo jaamacadda Minnesota, gaar ahaan qeybta ku saabsan dadka naafada ah, waxaana diiradda saaray inaan ka shaqeeyo mashruuc la xiriira xanuunka Autism-ka oo aad u sameeyay Soomaalida. Marka sidaas awgeed waxaan leeyahay khibrad ballaaran oo ku habboon xilkan”.


Wasaaradda arrimaha bulshada ee Gobolka Minnesota ayey Canab sheegtay in ay leedahay awood iyo dhaqaale faro badan.


“Waa wasaarad aad u weyn oo shaqo badan qabata, waxayna saameysaa bulshada qeybaheeda kala duwan sida qoysaska, carruurta, waayeelka iyo dadka naafada ah, marka waa wasaarad ballaaran oo runtii dad gaaraya 1 malyan oo reer Minnesota ah ay ka helaan caawinaad”.


Canab ayaa ku biireysa shakhsiyaadka Soomaalida ah ee xilalka sar sare ka qabtay dalka Mareykanka, gaar ahaan gobolka ay Soomaalidu aad u dagan yihiin ee Minnesota, halkaasoo ay si weyn uga soo muuqdeen siyaasiyiin kasoo jeeda Soomaaliya.


Aqalka wakiillada Mareykanka ee Koongareeska ayaa waxaa deegaan ka mid ah gobolkaas u matasha gabar Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Ilhaan Cumar, taasoo noqotay qofkii Soomaaliga ahaa ee ugu horreeyay ee dalkaas ka qabtay xilkii ugu sarreeyay.


Dhawaan ayey ahayd markii Cabdiraxmaan Muuse oo ka mid ah Soomaalida deggan gobolka Minnesota loo dhaariyey golaha sare ee jaangooya, qorshaha siyaasadda, dhaqaalaha, guriyeynta iyo hawlaha guud ee kala badh gobolka Minasoota.


Golahan ayaa dusha ka maamulaan 186 magaalo oo ay deggan yihiin illaa labo malyan iyo badh dadka reer Minisoota.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading