Gafaneyaasha garashada ka madhan dadkuna aysan iska garan!!

Xaqiiqoyinka daahsoon ee curyaamiyay xaaladaha adeegyada Caafimaadka Gaalkacyo,gaar ahaan Isbitaalka Guud (Mudug Regional Hospital).

Marka la qiimaynayo xaalad bulsho,waxaa lagu cabiraa 3 qodob oo kala ah …

✓ Xaaladda Waxbarasho
✓ Xaaladda Amni iyo
✓ Xaaladda Caafimaad.

Dhammaan xogaha aan idin la wadaaygayno waxay ka marnaan doonaan nin jeclaysi iyo nin nacayb, kana hufan dano gaar ah oo shaqsi-ahaaneed.

Waxa aan u kala qaadi doonaa qormooyin aannu taxane ka dhigi doonno oo iftiimin doona xaaladaha Caafimaadka ee Gaalkacyo iyo hadda sida uu u shaqeeyo Isbitaalka guud ee Gaalkacyo.

kadib baaritaan dheer oo aan ku samaynay caqabadaha curyaamiyay Isbitaal-ka guud ee Gaalkacyo (Mudug regional hospital),ayaan kusoo koobnay…

  1. Musuq-maasuq iyo maamul-xumo baahsan oo 13-kii sano ee lasoo dhaafay ku habsatay maamulka guud ee Isbitaal-ka.

2.Lunsashada dhamaan qalabkii caafimaadka oo ay soo uruuriyeen jaaliyadaha dibedda ee reer Gaalkacyo oo ay u danbaysay tii ay soo dhiibtsy Jaaliyada Swedan.

  1. Lunsashada iyo ka-macaashka daawada uu Isbitaalku ka helo Wasaaradda Caafimaadka Puntland iyo hay’ada MSF.

Arimaha aan qormooyinkan taxanaha noqon doona lagu dul istaagi doono,waxaa ka mid ah….

B. Sidee loo maamulay dhaqaalihii loogu talagalay COVID-19 qaybtii Mudug?

T.Xogta Daarta ma-dhamaatada ah ee xigta dhanka suuqa Dayax oo dal iyo dibad-ba laga taakuleeyay, taas oo ay ku baxday deeq kor u dhaaftay 1,000,000 (1 million oo dollar) ??

J.Dayaca baahsan ee ka taagan qaybta muhiimka ah ee hooyada iyo dhallaanka??

X.Maxaa sababay dhimashada hooyooyinkaas,iyadoo ay qaybtaasi tahay mid ay hay’ada MSF dhaqaalo xoogan ku bixiso? Mase laga baaqsankaray – qadar-Alle ka sokow – dhimashada hooyoyinkaas?

Kh.Khaladaadkii dhacay ee sababay dhimashada hooyooyinkaas oo aan mid-mid u dul istaagi doono siday u dhaceen?

W/Q: Dr Mohamed Abdirahman

Goor dhaw filo qaybta 1-AAD ee taxanaha.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading