Galaal oo ku geeriyooday Weerarkii Hotel Afrik

Hotelka Afrik, oo ku yaalla wadada aada garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, ayaa waxaa albaabka laga galo ka dhacay qarax xooggan kadibna waxaa gudaha u galay dabley Al-Shabaab ah.

Sarakiisha lasoo bad-baadiya,ayaa waxaa ku jira General Yuusuf Indhacade, Labo Afle iyo Xuseen Goley oo ah milkilaha hoteelka.

General Galaal iyo Cabdulaahi Nuur Siyaad Waal,ayaa iyaguna ku geetiyooday qaraxa Hotel Afrik.

Illaa iyo hadda lama oga tirada rasmiga ah ee khasaaraha ka dhashay qaraxan iyo weerarka xigay, waxaase jira dhimasho iyo dhaawac.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading