Galgaduud:-Laba Nin oo Waayeel ah oo Gajo iyo Haraad dartii ugu Geeriyooday deegaanka Baxdo

Laba nin oo waayeel ah ahaa ayaa Gaajo iyo Haraad  dartii ugu geeriyooday deegaanka lagu magacaabo Baxdo ee hoostaga gobolka Galgaduud, sida dadka deegaanka ay  sheegeen.

Deegaanka Baxdo, waxaa uu ka mid ahaa meelihii ay saameynta xooggan ay ku reebtay abaarta.

Dhowr qoys ayaa hadda ku nool deegaanka, halka intooda badan ay dhawaan kasoo carareen.

Xaaladda abaaraha ee ka jirta dalka ayaa  ah mid  baahsan, safmar ah,taasoo ka dhalatay roobab kii la filaayay 4 tii xilli ee  la soo dhaafay  oo la waayay ama si fiican aanan u da’in.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Be the first to comment on "Galgaduud:-Laba Nin oo Waayeel ah oo Gajo iyo Haraad dartii ugu Geeriyooday deegaanka Baxdo"

Leave a comment

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading