Galkacyo oo laga daah-furtay System-ka Puntland Customs Automation System (PuntCAS)

Wasaaradda Maaliyadda Puntland Gobolka Mudug Xarunteeda Galkacayo, ayaa Maanta laga daah-furtay System-ka Puntland Customs Automation System (PuntCAS) oo loogu tala galay in loo isticmaalo Kastamada Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda Puntland.

Tababarkan oo loo qabtay shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda gaar ahaan kuwa cashuuraha ee kastamada Gobolka Mudug ee garoonka diyaaradaha C/laahi Yusuf ee Gaalkacyo, kastamka dhexe ee gobolka, Kastamka Xarfo, Daarusalaam iyo Furddada Dekeda Garacad.

System-ka Puntland Customs Automation System (PuntCAS) ayaa ah mid looga guirayo cashuurahii lagu qaadijiray gacanta oo warqadaha lagujarijaray waxaana Xafladda daah-furka ka soo qayb galay shaqalaaha kastamadda Gobolka, Madaxada Kastmada iyo madax ka socotay Wasaarada Maaliyadda Dowladda waxaana ka mid ahaa Agaasime Ku-Xigeenka Waaxda Furdooyinka , Maamulaha Cashuuraha beriga Gobolka Mudug iyo Mas’uuliyiin kale.

Maxamuud Cabdulaahi Cali Maamulaha Cashuuraha beriga Gobolka Mudug oo ka hadlay Daah-furka Barnaamujkan ayaa sheegay in ay u mahad celinaayaa shaqaalihii ka soo qayb-galay tababarka, kuna booriyey in shaqada sida ay tahay loo qabto shacabka cashuur bixiyaha ahna loogu shaqeeyo hufnaan.

Khadar Barre Maxamed oo ka tirsan Xafiiska ICT-ga Wasaaradda Maaliyadda oo bixinaayey tababarkan ayaa Shaqaalaha urajeeyey in ay ka faa’idaystaan tababarkan.

Barnaamujkan System-ka Puntcas-ka Waxaa lagu baran doonaa Maalmaha soo socda, sida loo diyariyo Declaration Form-ka Badeecaddaha iyo casharo kale oo la xiriira System-ka PuntCas-ka.waana Barnaamij horey looga hirgaliyay Kastamada Puntland kaas oo laga gaaray guulo wax ku ool ah:


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading