Galmudug oo ganafka ku dhufatay Gudiga Xajka Ee Dowlada Dhexe ay magacawday

Wasiirka Awqaafta iyo Diinta ee maamulka Galmudug,Cabdishakuur Al -Badri oo warbaahinta kula hadlay magaalada xarunta ah ee Dhuusamareeb ayaa dowladda federaalka ka dalbaday in guddiga lakala diro, isagoo marka ugu baaqay shirkadaha loo tartansiinayo inay xujeyda qaadan inaysan qeyb ka noqon, maaddama ayuu yiri aan loo dhammeyn.

Wasiir Al-Badri ayaa sidoo kale wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ee Dowladda Dhexe ka codsaday in ay Galmudug u madax bannaaneyso qoondada ay ku leedahay Xajka,iyadoo la qorsheynayo 1,500 oo xujey ah in ay sannadkan ka baxaan Soomaaliya oo ayq ayb ka yihiin Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka.

“Soomaaliya uma baana anaa iri, waxaana muuqata in guddiga uu ku yimid hannaan kali talisnimo, waxaan u baahanahay in aan ku tusaalo qaadano wixi horey u dhacay”. ayuu yiri Al-Badri.

Go’aanka Galmudud,ayaa ku soo aaddaya,iyadoo Puntland ay qaadacday guddiga Xajka ee ay magacwday Dowlada Dhexe.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading