Galmudug oo lagu qabtay Gaari Qaraxyo ku raran yihiin iyo Ragii wadey

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee Galmudug,ayaa sheegaya in Ciidamo amaan ay gacanta ku dhigeen Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa iyo laba qof oo wadey.

Gaariga,ayaa ka yimid dhanka deegaanka Dhagaxyaale, oo qiyaastii 50-km dhinaca koonfureed kaga beegan Magaalada Guriceel marka gacanta lagu dhigayo.

“Qaraxyada waxay isugu jiraan kuwa baabuurta lagu dhejiyo iyo jaakadaha ka sameysan qaraxyada, ee naftood halligeyaasha ay adeegsadaan, Ciidamada oo ka feejigan dhagaraha iyo shirqoolada ay maleygayaan nimankan cadowga ah baa waxay gacanta ku dhigeen gaarigan iyo raggii watayba.” ayuu yiri sargaalka oo hogaaminaya Ciidanka qabtay Gaarigaas.

lama oga ilaa iyo hada bartilmaameedka qaraxyadan la qabtay iyo raga la socday.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading