Galmudug oo u Kooxaha Isbaarooyinka dhigta deeganadeeda

Wasaarada amniga Dowlad Gobaleedka Galmudug ayaa digniin ka soo saartay Jid-gooyooyin loo dhigto baabuurta Ganacsiga deegaanada Hoos yimaado Caabudwaaq iyo nawaaxigeeda.

Wasaarada amniga ayaa laamaha amniga Fartay In Talaabo sharciga waafarsan Laga Qaado kuwa dhigto jidgooyooyinka Ee Dhibaataynaayo Ganacsiga Bulshada.

Warka kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in aan la aqbalin doonin dadka shacabka ah lagu dhibaateeyo wadooyinka ku yaalla agagaarka degmada Caabudwaaq.

Ciidanka Ammaanka mamulka Galmudug ayaa dhawaan howlgal ka fuliyay degaanada ay yaallaan isbaarooyinka, waxaana ay gacanta kusoo dhigeen qaar ka mid ah kooxihii dhigtay oo dadka shacabka ah ka qaadayay lacag baad ah.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading