Ganacsatada Zambia oo Qado sharaf ku maamuustay Madaxweyne Deni

MADAXWEYNAHA OO KA QEYBGALAY KULAN QADO SHARAF AH OO AY U SAMEEYEEN GANACSATADA DALKA ZAMBIA.

Lusaka: 12 November 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta ka qeybgalay Qado Sharaf ay u sameeyeen Ganacsatada Soomaaliyeed Dalka Zambia, Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Ganacsatada sida weyn ee ay usoo dhoweeyeen Isaga iyo wafdigiisa.

Waxaa Madaxweynaha ku weheliyay munaasabadda, Safiirka Soomaaliya ee Dalka Zambia Marwo Xaawo Xasan Maxamed, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Puntland Cabdifataax Maxamed Cabdi Nuur, Mudane Xildhibaan Cabdiqani Dhaashane oo ka tirsan Golaha Wakiillada Dowladda Puntland iyo Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Zambia Mudane Maxamuud Maxamed Hiiraan iyo Ganacsatada Soomaaliyeed ee Dalka Zambia.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading