Ganacsato iyo Waxgarad bilaabay dadaal lagu dajinayo xaalka PSF

Dadaal fiican oo bilow ah,waxaa sameeyay Ganacsato iyo Waxgarad kasoo jeeda Beesha Cumar Maxamuud.

Dadaalkooda waxay ka bilaabeen Talyaha Ciidamada Yaasiin Cumar,kaasoo ay ka af qaateen in uusan wax weerar ah samaynayn.

Kadib waxay tageen Xerada PSF oo ay kula kulmeen Ilmo Diyaano.

Wada xaajood xoogaa qaatay waxay Ilmo Diyaano uxaqiijiyeen in ay diyaar uyihiin wada hadal.

Ganacsatadii iyo Waxgaradkii hada waxay diyaarinayaan Gudi balaaran oo Beesha Cumar Maxamuud ah oo Madaxweynaha utaga.

Hadaba waa muhiim in Ragaas la xoojiyo,gaar ahaan Islaan Bashiir doorkiisa qaato oo hogaamiyo Gudiga Madaxweynaha hor fariisanaya.

Maanta Beesha uu doorkeedu furan yahay Dhaqan iyo Siyaasiba waa Cumar Maxamuud ee ha u istaagaan xalka arinka PSF.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading