Gantaal ay Xuutiyiinta Yemen soo tuureen oo laga hor tagay

 

Taliska dhexe ee Mareykanka,ayaa sheegay in Markab ay leeyihiin uu shalay soo riday Gantaal laga soo tuuray Yemen.

Taliska dhexe,ayaa ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen Xuutiyiinta,waxayna sheegeen in cidna aysan wax ku noqon, waxyeelana uusan geysan Gantaalkaas.

Afhayeen u hadlay kooxda Ansaarullah ee Yemen ayaa sheegay in ay Badda Cas ku weerareen Markab USS Greeley.

Qoraal ay soo saareen Maanta oo Arbaco ah ayey ku xaqiijiyeen in dhammaan Maraakiibta dagaalka Mareykanka iyo kuwa Britain ee ku sugan Badda Cas iyo Badda Carbeed ay beegsanayaan.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading