Garaacis khasaare gaarsiisay oo laga fuliyay Buuraha Bari

Sixna iyo Dayna,ayay Garaacstu ka dhacday,waxaana lagu beegsaday fariisin la yaqaan oo argagixisadu leedahay.

Garaacistan,waxay noqotay mira dhal haleeshay bartilmaameedkeedii,isla markaana argagixisada khasaare fiican gaarsiisay taasoo lasoo faahfaahin doono.

Ciidamada Puntland,waxay ujiraan 30-KM, fariisinka argagixisada ee la garaacay,waana mid ay ku urureen argagixisadii lasoo sifeeyay.

Mid ka mid ah Dowladaha ka taageeraya Ciidanka Difaaca Puntland hawlgalka sifaynta argagixisada,ayaa fulisay,taasoo aan hada la shaacinayn.

Dhanka kale majiro Shacab reer Puntland ah oo halkaa deganaa oo dhamaan Shacabka,waa laga saaray Deegaamadaas ka hor intaan la bilaabin hawlgalka.

Dhawaaqa sheegaya in Qoys deganaa halkaas Garaacistu ku dhacday,waa Been abuur ay samaynayso argagixisadu oo Xanuunka gaaray ay ku qarinayso,isla markaana ku abuurayso kala Shaki Dadweynaha iyo Dowlada ah.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading