Garaad Jaamac oo ka hor yimid go’aamada Doorashada Ee kasoo baxay Garaadada Sool

Qaar ka mid ah Garaadada Sool,ayaa soo saaray go’aamo  ay xal ugu arkeen muranka Doorasho ee Puntland.

Igo’aamadoo,waxaa ugu muhiimsanaa…

1.In Doorashada xiligeedii lagu qabto.

2. In 8-da Janaayo Baarlamaanka hadda jira doortaan madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.

In 12 bilood ka dib xildhibaannada lagu soo doorto Qof iyo Cod.

Go’aamadaas,waxaa ka hor yimid Garaad Jaamac Garaad Cali oo sheegay in uusan ku waafaqsanayn oo ay kali ku yihiin.

“Go’aamadaan waxay ahaayeen kuwa lagu naxay , ma ahayn kuwo laga wada tashaday ama la isku ogaa, ujeedadu waxay ahayd in ciidamada iyo dhaq dhaqaaqyada Garowe la kala qaado,intaas kadib reer SSC ay isku yimaadaan dhamaantood kadibna shirweyn lagu qabto Laascaanood halkaasna tolka Loogu yyeeroAyuu yiri Garaad Jaamac.

 

 

 

Halkan ka dhagayso Codka Garaad Jaamac


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading