Garoonka diyaaradaha Qabridaharre Oo dib ushaqo bilaabay

Shirkadda duulimaadyada ee Itoobiya,ayaa dib uga billowday shaqada garoonka diyaaradaha ee Qabridahar.

Garoonka oo mudooyinkii udambeeyay aan shaqaynayn,ayaa waxaa maanta kasoo degtay diyaaradii u horraysay oo sidda Rakaab badan, waxaanay iskaga kala gooshi doontaa Qabridahar illaa Jigjiga, Qabridahar illaa Addis Ababa.

Masuuliyiinta gobolka Qorraxey,ayaa bulshada qaybaheeda kala duwan ugu baaqay in ay ka faa’iidaystaan adeegga duulimaadyada ee ay shirkaddu dib uga billowdo garoonka Qabridahar.

SRTV Somali


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading