Garoonka diyaaradaha Qardho oo lagu sameeyay dayactir (VIDEO)

Wasiirka duulista hawadda iyo garoomada dawlada Puntland, Ilyaas Cumar Lugatoor iyo wafti uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin xildhibaan Axmed Daad jaamac diiriye, Saraakiil ka tirsan wasaarada ayaa maanta soo gaaray magaalada Qardho.

Ujeedada safarkooda ayaa ahayd u kuur-galida xaalada garoonka oo dhawaan lasoo gaba-gabeeyay dayactir lagu samaynayay, waxayna u kuur-galeen shaqada laga qabtay garoonka.

Wasiir luga-toor ayaa xusay in garoonkaan ay hadda ka dib duulimaadku imaan karaan, uuna furan-yahay.
Waxa uu sidoo kale tilmaamsy in shaqooyinka dhiman marka la dhamayartiro si rasmi xariga looga jari-doono.

Intaas ka dib gudoomiyaha Gobolka Karkaar Cabdi Saciid Cismaan iyo Wasiir luga-toor ayaa hadal kooban warbaahinta siiyay waxayna sheegeen in garoonka qiimayn guud la samaynayo maadaama dayactirkiisii la dhameeyay.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading