Weli waxaa dayacan oo foolxumo weyn ay ka muuqataa garoonka kubada cagta Gaalkacyo.

Gudiga gacanta ku haya dhismaha garoonka,ayaa horay ushaaciyay in ay udhamaystiran tahay lacagtii lagu dhisi lahaa garoonka 3-bilood gudahoodna ay kusoo gabagabaynayaan.

Balse hal sano kadib waxay yiraahdeen dhamaystirkii garoonka waxuu uxayiran yahay lacag.

Warkan isqaban waayay,ayaa abuuray dareen niyad jabeed maadaama garoonka dhismihiisa ay Puntland,Dowlada Fadaraalka,ganacsatada iyo bulshada qaybaheeduba dhaqaale xoog leh ku garab istaageen.

Hal sano kadib in uu muuqaalkan yeesho waa wax laga naxo garoonka Kubada cagta ee Gaalkacyo.

Ilaa iyo hada Gudiga gacanta ku hayaa masamayn xisaab celin.
Jibril Qoobey.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.