GAROOWE (IDIL NEWS)-Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Saree e Dowladda Puntland, ayaa u yeertay Warbaahinta, Iyadoona la filayo inay ka jawaabto hadal shalay kasoo yeeray Cabdullaahi Goodax Barre oo ah Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Cabdullaahi Goodax Barre ayaa Hanjabaad u diray Ardayda Dugsiyadda sare ee Puntland, taasoo ku aadan in aysan heli doonin Shihaadda dowladda haddii aysan ka qeyb galin Imtixaanka dowladda Soomaaliya ay iclaamisay, oo uu sheegay inay Dowladda Puntland.
Hadalka Wasiir Goodax ayaa dhaliyay Dood badan, Iyadoona Mas’uuliyiin kala duwan oo xilal kasoo qabtay Puntland iyo Dowladda Federaalka, ay ku tilmaameen wax lagu qoslo hadalka Mr. Goodax.
Wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha Soomaliya horay u soo noqday Wasiirka Waxbarashadda Puntland Cabdi Faarax Saciid Juxa ayaa dhaliilay hadalka Wasiirka , waxaana uu sheegay in arrimaha waxbarashadda uu qaas u yahay maamul goboleedyadda.
“Wasiir Godaxow, Puntland waa
pre-federal state dhisan in kabadan 20 sano oo leh manhaj, imtixaan iyo
siyaasad waxbarasho oo dhisan waqti dheer. Waa nidaam waxbarasho oo leh
sharciyad iyo kalsooni shacab oo buuxda. Waa nasiib darro inaad maanta ku
goodido inaad burburiso nidaamkaas reer Puntland dhisteen. Tan kale
waxbarashadu waa shaqo u gaar ah Dawlad-goboleedyada ee maaha wax quseeya
Dawlad dhexe.
Nidaamka Federalka waxaa loo samaystay inaan arrimahan oo kale mardame meelna
marti looga noqon” ayuu yiri Juxa.
Sidoo kale, Guddoomiyihii Hore ee Baarlamaanka Dowladda Puntland, soona noqday Wasiirkii Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Duulista Hawada Puntland C/rashiid Maxamed Xirsi, ayaa sheegay in fajac ku tilmaamay hadalka Goodax
“wasaarad aan hayn xogta schoolada 18 degmo ee xamar, xitaa aan laga helaynin magacyada iyo xogta buuxda ee ardaydaas, xitaa aan ka qaadin imtixaan midaysan baa rabta inay imtixaanka usoo diyaariso wasaarad 20 sano dhisnayd taas oo 9 ka gobol ee puntland arday kasta xogtiisu daabacan tahay, wasaarad haysa tirada macalimiinta , wasaarad qaada imtixaanka 9 kaas gobol, isku marna lawada galo. waa aduun iyo waayihiis” ayuu yiri C/rashiid Xirsi
Dhanka kale, Shacabka Puntland ayaa sheegay in Wasiir Goodax uu yahay Ruux iska hadlay, uusana hadalkiisu sameynayn micno badan, maadama Dowladda Puntland Waxbarashadeedu ay tahay mida ugu tayada badan Soomaaliya.
Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Puntland, ayaa la filayaa inay ka jawaabto Hadalka Wasiir Goodax, waxaana muuqata in uu dib u soo cusbooneysiiyay khilaafkii Dowladda Federaalka iyo Dowladda Puntland hadalka Wasiir Goodax.
IDIL NEWS
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.