Garoowe: Ciidanka Booliska oo xabsiga dhigay Haween wata Ilmo yar

GAROOWE (IDIL NEWS)-Ciidanka Booliska Dowladda Puntland ayaa xiray labo haween ah oo watay ilmo dhawaan dhashay, kuwaas oo looga shakiyey inay soo xadeen.

Wararka ayaa sheegay in Haweenkan la xiray looga shakiyay in ilmahan ay wataan uu yahay ilmo maalmo kahor laga xaday Isbitaal ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Nugaal Xasan Cabdulaahi Maxamed ayaa Xaqiijiyey in Ciidanka Boolisku hayaan Labadan haweenka ah oo Ilmo yar wata isla markaana bartaan ku socdo .

Xariga Haweenka ay Qabteen Booliska Puntland ayaa kusoo aadeysay maalin ka dib markii warbaahintu baahisay islaan sheegtay in isbitaaka SOS eeMagaalada Muqdisho lagaga xaday cunug ay Ayeeyo u tahay oo Isbitaalka ku dhashay xili ay salaad tukanaysay.

IDIL NEWS


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading