GAROOWE (IDIL NEWS)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyeynta Dowladda Puntland, ayaa Tababar u furtay 18 Dhalinyaro ah oo isugu jirta Wiilal iyo Gabdho, kuwaas oo la barayo ku shaqeynta Mashruuca JPL ee Hormarinta Degmooyinka Puntland.
Agaasimaha Wasaaradda arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyeynta Dowladda Puntland Maxamed Cali Nuur Jubba, oo ka hadlay furitaankii Tababarka, ayaa Sheegaya in Dhalinyaradan ay yihiin kuwii ugu horeeyay ee la barayo sidii ay ugu shaqeyn lahaayeen Mashruuca JPL.
Agaasime Jubba ayaa sheegay in Dhalinyaradan 18 ah ay 9 kamid ah yihiin Wiilal, halka 9 kalena ay yihiin Dumar, kuwaas oo ka baxay Jaamacaddo.
Daawo.
IDIL NEWS
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.