Garoowe: Goobaha Waxbarashada iyo Ganacsiga Puntland oo la xirayo Berri (Daawo)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Dowladda Puntland Cawil Sheekh Xaamud, ayaa Sheegay in loo baahan yahay in la xiro Maalinta berrito ah oo Khamiisa Goobaha Waxbarashada iyo Ganacsiga ee Degaanada Puntland.

Wasiir Xaamud ayaa Sheegay in xirista Goobaha Waxbarashada iyo Ganacsiga Degaanada Puntland, looga gol lee yahay Roob doon la iclaamiyay in Khamiista soo socota ay ka dhacdo Guud ahaa n Dowladda Puntland.

Waxaa uu sheegay in sidoo kale dhamaan la fasaxayo Shaqaalaha Dowladda si ay qeyb ay uga noqdaan Banaan-baxan alle bariga ah, waxaana uu ugu baaqay Bulshada Puntland inay u soo baxaan Roob-doontan la iclaamiyay Khamiista, si uu alle uga dulqaado Abaarta baahsan ee dalka ka jirta.

Daawo.

IDIL NEWS


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading