Garoowe: Wasaaradda Cadaalada oo amar dul-dhigtay Dugsiyadda Qur’aanka

GAROOWE (IDIL NEWS)-Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dhaqan-celinta Dowladda Puntland, ayaa maanta ku amartay dhammaan macallimiinta dugsiyada Qur’aanka ee degaannada Puntland, in ay isku soo diiwaan-geliyaan mudda 10 cisha.

Wasaaradda ayaa macallimiinta Qur’aanka ku wargelisay ,  in laga bilaabo maanta oo ku beegan 18 April 2019 ay bilaabatay diiwaan-gelinta dugsiyada Qur’aanka Kariimka,iyadoo wixii ka dambeeya 28 bishan April aan la aqoonsan doonin dugsigii aan is diiwaan-gelin.

Wargelintan ayaa ku soo beegmaysa, xilli dhowaan wasiirka Caddaalada uu sheegay, in gebi ahaanba la xiri doono dugsiyada Qur’aanka iyo xarumaha kale ee ay leeyihiin firqada loo yaqaan Al-takfiir, oo uu ku eedeeyay in ay fasahaad iyo caqiido maroorsan ku faafinayan degaannada Puntland.

IDIL NEWS


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading