Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland uga qeybgalaya shir looga hadlayo Hanaanka Maaliyada Dalka, kaas oo maalmihii ugu danbeeyay u socday xubno ka tirsan Golaha Aqalka sare ee BFS.
Shirkan ayaa ujeedadiisu tahay sidii wadajir looga tashado, go’aan mideysanna laga qaato sharciyada Maaliyadda Dalka.

Qorshaha Maaliyadda dalka ayaa haatan maraya meel wanaagsan, iyadoo ay Beesha Caalamka iyo hay’adda Lacagta Adduunkuba si weyn u bogaadiyeen habaynta dhaqaalaha Soomaaliya.
Shirkan ayaa ugu danbeyn la filayaa laga soo saaro war-murtiyeed la xiriira qoddobada shirka iyo go’aamada ka soo baxay.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.