Magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland ayaa kaalinta kowaad ka gashay tartanka Qur’aanka Kariimka oo sannad kasta bisha barakaysan ee Ramadaan loo qabto dhammaan gobollada Puntland.
Tartanka xifdinta 30-ka jus ee Qur’aanka kariimka ah oo Sabtida maanta ku soo xirmay masjidka Al-huda ee caasimadda Garoowe ayaa waxaa kaalinta kowaad ku guulaystay Maxamed Faysal Maxamuud oo ka socday dugsiga Qur’aanka Al-Aqsaa ee Garoowe waxaana abaal-marin loo siiyay gaari nooca NOAH.
Kaalinta labaad ee tartanka ayaa waxaa ku guulaystay Cabdullaahi Bashiir Maxamed oo ka socday dugsiga Qur’aanka Daarul-Quraa ee magaalada Boosaaso oo isna abaal-marin loo siiyay $1000 Dollar oo lacag ah halka kaalinta saddexaad uu galay Cabdisalaan Xassan Maxamed oo ka socday Daarul-Hudaa ee Qardho isagoo lagu abaal-mariyay $700 Dollar oo lacag ah.
Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan oo tartanka soo xiray ayaa abaal-marinnada ay mutaysteen guddoonsiiyay ardaydaasi kaalmaha hore ka galay tartanka Qur’aanka Kariimka gobollada Puntland.


Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.