Garsoorka Puntland oo qarka usaaran in uu dhinto!!

Ina Taaraan iyo Nuur Ciise in loo dhiibo Maxkamada sare ee Puntland waa niyad jab intiisa le’eg.

Nuur Ciise

Nuur Ciise waa Masuulkii,isagoo Maxkamada jooga markii lagu helay danbiyo ubaxsaday Galmudug lana cararay Gaarigii Maxkamada oo ka iibsaday isla Galmudug xiligii Madaxweyne Faroole.

Taaraan

Ina Taaraan waa jariif Sharci oo caan ku ah iibsashada Maxaabiista iyo musuqa Garsoorka.

Xaqiiqdii ceeb,foolxumayn Garsoor iyo Caayid nidaam ayay ku tahay in Bulshada reer Puntland laga soo dhex xusho Labadaa Nin.

Madaxweyne dib ugu laabo qiimayntaada hadaad rabto Garsoor aan Yawmul Qiyaamaha Naar Aadan ku gelin.

Baarlamaanka Puntland in ay udiidaan xasaanada,ayaan ugu baaqaynaa oo ay uturaan Umadda cadaaladeeda.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading