Gen. Indha-cadde oo eedeeyn u jeediyay Dowladdda MD Farmaajo (VIDEO)

Gen. Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo kamid ah Saraakiishii hore ee Dowladda Soomaaliya ayaa sikulul uga hadlay amni darada ka soo cusboonaatay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, Gen. Indha Cadde ayaa walaac xoogan ka muujiyay  xaalada amniga dalka oo uu sheegay in uu noqday mid aad u liita, isaga oo DFS  ku eedeeyey in aysan  la imaan qorsho amni, kaasi oo wax  looga qaban karo amni xumida ka jirta dalka.

“Beryahan dambe waxaa soo kordhay amni darada Muqdisho, sida  dilalka qorsheysan, miinooyinka la geliyo wadooyinka iyo dhaca habeenkii loo geysto dadka shacabka ah, waa daruuf Soomaalida Muqdisho ku nool in muddo ahna ku noolaayeen, waxaa loo baahan yahay in qorshe cusub lala yimaado”.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading